Dhageyso:-Sheekh Shariif” Marnaba kama aamuseyno qaladka dalka ka dhacayo”

Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Muqdisho Warbaahinta kula hadlayay ayaa Eedeyn kulul waxaa uu u jeediyay Madaxda Dowladda Federaalka,saiag oo sidoo kale ka hadlay shirkii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ee lagu qabtay Muqdisho.

Waxaa uu sheegay Sheekh Shariif in aysan aheyn mid wanaagsan in Shir u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo ay ka maqan yihiin Maamul Goboleedyada la qabto,wuxuuna sheegay in marnaba aysan ka hareyn ka hadalka waxyaabaha ay ku qaldan tahay Dowladda Federaalka.

“Marnaba dalkan dhibaatada ka jirta ka hadaliiisa ugama hari doono Wiilal yar yar oo masaakiina oo qurbaha jooga ama lamarin habaabiyey ee caaytamaya,aana wadeynaa waxa aan xaqa u leeyahay ayuu yiri” Sheekh Shariif.

Sidoo kale Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dalkaan ay ku dhex-jiraan laba Cadow oo kala ah Shabaab iyo Dowladda,sidoo kalena Xubnaha Wasiiradaha ah aysan ka hadli karin xaqa iyo wixii jira,waxa markasta naloo caayanaya ay yihiin sababta ay uga hadlayaan qaladaadaka dhacaya.

Tan iyo markii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed laga celiyay in uu u duulo Magalada Kismaayo,waxaa uu kulamo siyaasadeed ka waday Magalada muqdisho, isaga oo dhaliil badan u jeedinayay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.