DHAGEYSO: Shariif Xasan oo xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee KGS

Baydhabo-RisaalaFM- Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ansixiyay warqad xilka looga qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Maamulka Koonfur Galbeed Sheekh Axmed C/laahi Fanax.

Warqadan oo ku taariikheysneyd shalay oo aheyd 18/12/2017 ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan uu aqbalay xilka qaadista ay Gudoomiye Sheekh Axmed C/laahi Xuseen (Fanax) ku sameeyeen Golaha Addeegga Garsoorka.

Afhayeenka Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Nuuradiin Yuusuf (Gacma) ayaa warbaahinta u aqriyay warqada xafiiska Madaxweynaha ka soo baxday.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dhowaan lagu wadaa in ay soo magacaabaan Golaha Adeegga Garsoorka Koonfur Galbeed.