DHAGEYSO: Shariif Xasan oo eedeyn u jeediyay dowladda dhexe

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya in aysan Mas’uuliyad iska saarin ilaalinta Midnimada dalka iyo Wadajirka.

Shariif oo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ka dalbaday in ay xaliso khilaafka kala dhaxeeya maamulka Jubbaland.

Waxaa uu sheegay in doorashadii ka dhacday Kismaayo ay aheyd Mid ku dhacday si Caddaalad ah.

Madaxweynaha Jubbaland ayuu sheegay in uu jecel yahay Midnimada Umadda Soomaaliyeed laakiin dowladda dhexe aysan diyaar u aheyn in lala heshiiyo.