DHAGEYSO: Shacabka Muqdisho oo Fariin u diray dowladda Yemen

Qaar ka mid ah Shacabka kunool Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dilkii Xeebaha dalka Yemen loogu geystay Qaxooti Soomaaliyeed oo ka cararaayay dagaallada dalka Yemen.

Sidoo kale Shacabka waxa ay sheegeen in ay muhiim tahay in Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya  in ay ka hadlaan Falkii lagu Xasuuqay dadka Soomaaliyeed Madaam wali Madaxda dalka ugu sareysa aysan ka hadlin.

Shacabka ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in Falka lagu dilay Qaxootiga Soomaaliyeed in uu yahay mid Argagax badan.