DHAGEYSO: Shacabka Hiiraan oo cabanaya fatahaada Wabiga Shabeelle

Beledweyne-RisaalaFM- Iyadoo Wabiga Shabeelle uu fatahaad ku sameeyay xaafado ka tirsan magaalada Beledweyne ayaa shacabka ku dhaqan Beledweyne waxa ay qeylo dhaan ka muujiyeen fatahaada uu sameeyay Wabiga.

Shacabka ku dhaqan Beledweyne oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay maamulka Hiiraan ka dalbadeen in wax laga qabto fatahaada wabiga.

Waxaana ay sheegeen in dadka qaar wabiga uu guryo la’aan dhigay halka dadka qaarna ay isaga barakeceen guryahooda.

Maamulka Hiiraan ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan samata bixinta dadka uu saameeyay fatahaada wabiga Shabeelle.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in ay qorshe looga hortagayo fatahaada Wabiga Shabeelle, iyadoo Mas’uuliyiin ka socota dowladda Soomaaliya ay dhowaan gaareen goobaha fatahaada ka geystay Wabiga Shabeelle.