Boorame-RisaalaFM- Dadka ku nool Magaalada Boorame ayaa waxa ay ka soo horjeesteen saldhiga Dowladda Imaaraadka Carabta ay ka furaneyso Magaalo xeebeedka Berbera.
Waxa ay sheegeen in aysan taageersaneen heshiiska Imaaraadka Carabta, maadaama ay sheegeen in aysan dooneyn in uu soo dhexgalo wadan shisheeye, oo khilaaf ka dhex abuuri kara.
Sidoo kale waxa ay sheegeen hadii uu Madaxweynaha ixtiraami waayay xildhibaanada Baarlamaanka, in uu tixgeliyo ayay aheyd aragtida shacabka.
Todobaadkan gudihiisa ayay aheyd markii xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland ay ansixiyeen in Imaaraadka carabta uu saldhig Millitari uu ka furto Magaalada Berbera oo uu ka taliyo Maamulka Somaliland.


