Dhageyso:-Senator C/qeybdiid oo Eedeyn u jeediyay Madaxda Dowladda Federaalka

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banana ee dib u eegista Dastuurka Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa eedeyn waxaa uu u jeediyay Madaxda Dowladda Federaalka & kuwa Maamul goboleedyada.

Isaga oo ka hadlayay Shir Maanta Guddiyada Dastuurka uga furmay Garoowe ayuu sheegay in 10kii Cutub ee horay ugu gudbiyeen Dowlad Goboleedyada ee dib u eegista lagu sameeyay aysan wax jawaab ah kasoo bixin,hayeeshee uu rajeynayo in 15-ka kale  ay u gudbin doonaan laga mira-dhalin doono kana soo jawaabi doonaan.

Sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay in  Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya kaalintii laga doonayay ee dib u eegista Dastuurka dalka aysan kasoo bixin,isla markaana waxaaa uu rajeeyay in Shirka Maanta uga furmay garoowe uusan noqon kaliya isku imaatin,hayeeshee laga run sheegi doono.

Hoos ka Dhageyso Codka Sanoter Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid)