DHAGEYSO: Sarkaal loo xiray Askari dad shacab ah dilay

Muqdisho-RisaalaFM- Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa waxa uu sheegay in sarkaalkii uu hoostagayay loo xiray Askari dhowaan dad shacab ah ku dilay Degmadaasi.

Gudoomiyaha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir Axmed Cabdulle Afrax ayaa waxa uu sheegay Askariga dilka geystay in uu baxsaday, balse waxa uu sheegay in la soo xiray sarkaalkii uu hoostagayay Askarigaasi.

Axmed Cabdulle Afrax Gudoomiyaha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale waxa uu sheegay sarkaalka in hada uu xiran yahay, lana weydiinayo sababta falka uu u dhacay.

Isniintii aynu soo dhaafnay xilli Barqo ah ayay aheyd markii Askari ka tirsan Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Canshuuraha suuqa weyn ee Degmada Wadajir uu ku toogtay Labo ruux oo rayid ah.