DHAGEYSO: Saraakiil Tababar soo qaatay oo Muqdisho ku soo laabtay

Muqdisho-RisaalaFM- Saraakiil mudo badan Tababar uu uga socday Dalka Uganda Tiradoodana ay gaareyso 45 ayaa maanta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa Saraakiishan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Saraakiil Sar Sare oo uu horkacayay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo xubno kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo warbaahinta kula hadlay Garoonka Diyaaradaha ayaa sheegay in Saraakiishan ay u diyaar garoobayaan Sugidda Amniga Caasimada iyo goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka sanadkan la filayo in ay Dalka ka qabsoomaan.

S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Saraakiishan kula dar daarmay in ay Dalka uga faa’ideeyaan waaya aragnimada iyo Qibrada ay ku soo qaateen inta uu Tababarkan socday.

Saraakiishan ayaa 15 Bilood Tababar ku soo qaatay Dalka Ugnada, waxaana 10-kii Bishan September Tababarka u soo xiray Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni.