DHAGEYSO: Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka oo loo qaaday UK

Muqdisho-RisaalaFM- Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa maanta tababar loogu qaaday Dalka Ingariiska.

Saraakiishan ayaa waxaa waxaana Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya G/Sare Maxamed Adaan Jimcaale ( Koofi).

Saraakiishan maanta tababarka u baxay ayaa waxaa lagu soo tababari doonaa Garoomada Diyaaradaha dalka Ingiriiska gaar ahaan Garoomada London,  Manchester iyo Birmham.

G/Sare Maxamed Adaan Jimcaale ( Koofi) Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa la dar daarmay saraakiishan.

Wadamada Dernmark, Norway,  iyo Rwanda ayaa tababaro nuucan oo kale ah waxa ay horay u siiyeen saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxaana uu dalka ingariiska qeyb ka noqonayaa wadamada dalkooda ku soo tababaray saraakiil ka tirsan Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha.