DHAGEYSO: RW oo baaq u diray maamulada Puntland iyo Galmudug

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku howlan dhameynta Colaada u dhaxeysa Maamulada Putland iyo Galmudug ee ka taagan Magaalada Gaalkacyo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale wada nabadeynta iyo Xasiloonida Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan goobaha ay dagaalada ka soconaya.

Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa sheegay in Madaxda Maamulada Puntland iyo Puntland loogu baahan yahay in ay ilaaliyaan Heshiiskii ay horay u wada saxiixdeen.

Ra’isal Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in Madaxda Puntland iyo Galmudug laga doonayo iney meel ugu soo wada jeestaan nabadeynta Magaalada Gaalkacyo.

Shalay ayay ahayd Markii Wafdi uu hogaaminayo Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ay gaareen Magaalada Cadaado, waxaana lagu wadaa Ra’isal Wasaaraha inuu si gooni gooni ah ula kulmo Madaxda labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug.