Ra’iisulwasaarihii Hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay in ay ka taliyaan Masiirka umadda Soomaaliyeed.
Waxaa uu sheegay in gacantooda uu maanta ku jiro badbaadinta umada Soomaaliyeed , islamarkaana laga rabo in ay codkooda siiyaan Shaqsi ka shaqeyn kara midnimada iyo sidoo kale isku keenida dadka Soomaaliyeed.
Saacid ayaa Xildhibaanada cusub kula dardaarmay in ay ka fogaadaan laaluush iyo sidoo kale nin jeclaysi.
Ra’iisulwasaarihii Hore Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamay in xildhibaanada ay matalaan umadda Soomaaliyeed , islamarkaana ay mas’uul ka noqon doonaan hadii ay doortaan hoggaan xun .


