Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay hanan karaan difaaca dalka marka loo helo dhaqaale ku filan taas oo aysan hada awoodin dowladda Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in doorka ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin ilaalinta nadadda guud Soomaaliya ay bedeli karaan ciidamda xoogga dalka Soomaaliyeed balse waxa uu sheegay in ciidamada loo helo awood dhaqaale.
Ciidmada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegaa in howlgallo fara badan ay sameeyaan taas oo ay jirto waxaana ay si sax ah aysan uhlelin mashaaraadkooda.
Waxaana ciidamada dowladda Soomaaliya Furumaha dagaal ay kula jiraan ciidamada AMISOM oo ka mushaar badan si joogto ahna uhela mushaarkooda.


