Garowe-RisaalaFM- Taliska Booliska Magaalada Garowe ayaa maanta soo bandhigay rag lagu soo qabtay waxyaabaha maanka dooriya iyo Hub, sida ay saxaafada u sheegeen Booliska Garowe.
Taliyaha qeybta Gobolka Nugaal C/rashiid Maxamed Xuseen oo ragan saxaafada u soo bandhigay ayaa sheegay Howlgal Ciidanka au sameeyeen in lagu soo qabtay.
Waxa uu sheegay ragan in ay siteen waxyaabaha maanka doriya iyo Hub, kuwaasi oo qeyb ka ah falalka lidiga ku ah dhanka amniga ee Magaalada Garowe ka dhaca.
Inta badan Qamriga lagu qabto Degaanada Puntland ayaa waxaa laga keenaa Dalka Itoobiya, halkaasi oo inta badan qiimaha Qamriga uu raqiis ka yahay, islamarkaana ganacsato Soomaali ah ay si fudud ku geeyaan Degaano ka tirsan Puntland.


