Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.
Shacabka degaannada Somaliland, xisbiyada, hay’adaha amniga iyo madaxda tartantayba ayuu ku ammaanay sida nabadda ah oo ay doorashooyinka Somaliland u dhaceen, kuwaas oo sumcad, sharaf iyo karaama u soo hooyey guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa uu sheegay in doorashadii ka dhacday Somaliland ay ku dhacday si Cadaalad ah.
Madaxweynaha cusub ayuu ugu baaqay in uu ka shaqeeyo mideynta Umadda Soomaaliyeed.



