DHAGEYSO: R.W Kheyre oo Khudbad ka jeediyay Shirka Golaha Guud ee QM

Ra’isulwasaaraha Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa xalay ka jeediyay xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada New York khudbad dheer oo uu kaga hadlay xaalada Soomaaliya.

Ra’isulwasaare Kheyre ayaa beesha caalamka ka dalbaday in dalkiisa laga qaado xayiraadda saaran ee dhinaca hubka ah.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ciidamada AMISOM ay dadaal badan oo ay ka waddaan Soomaaliya.

Kheyre ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda Soomaaliya Muddo gaaban ay gaartay horumar ballaaran oo dhinacyo badan sida Amniga.

Waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay muddo badan dhibanayaal u ahaayeen dagaallo.