DHAGEYSO: R.W Kheyre oo Farriin u diray Ciidamada Xasilinta Caasimadda

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Ciidamada wada Howlgalka Xasilinta Muqdisho ka codsaday in ay la shaqeeyaan Shacabka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Ciidanka loogu baahan yahay in si wanaagsan ula dhaqmaan Shacaba isla markaana ka shaqeeyaan sidii ay u heli lahaayeen Kalsoonidooda.

Waxa uu tilmaamay in Ciidanka iyo shacabka wada shaqeyntooda iyo Xiriirkooda ay kaalin weyn ka qaadan doonto Xasilinta Caasimada.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Madaxweynaha uu diyaar u yahay in Xuquuqda Ciidanka uu meel saaro kana shaqeeyo sidii loo joogteyn lahaa Xuquuqda Ciidanka wada Howlgalka Xasilinta Caasimada.

Shalay ayay ahayd Markii Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu booqday xarunta Ciidamada wadajirka ah ee fulinaya Qorshaha Xasilinta Caasimada