Dhageyso:-Qoysas kasoo Barakacay deegaanada Shabaab oo cabasho ah

Boqolaal qoys oo kasoo barakacay degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool oo ay Gacanta ku hayaan Al-Shabaab ayaa xiligaan ku dhibaateysan degmada Xudur oo ah Xarunta Gobolka Bakool.

Dadkaan oo isugu Haween iyo Carruur ayaa waxa ay sheegeen in xilligaan aysan heysan waxyaabihii la xiriiray nolosha,sida Cunto iyo Hoy intaba,isla markaana ay u baahan yihiin.

Waxaa ay sheegeen in Maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda Federaalka intaba aysan ka helin wax gurmad ah,waxaana ay dalbadeen in dib loogu celiyo degmada Tiyeeglow oo ay Al-Shabaab maamulaan.

Guddoomiyaha degmada Tiyeeglow Maxamed Cabdulle Xasan (Foodcade)oo ka jawaabayay cabashada dadkaas ayaa sheegay inay dhawaan qorsheynayaan howlgalka dhan ah Al-Shabaab si ay uga saaraan.

Warkaan waxaa Baydhabo ka soodiray Wariyaheena Sayid Cali Muuse.