DHAGEYSO: Qaxootiga Soomaalida oo walaac ka muujiyay go’aanka lagu xirayo Dhadhaab

Kenya-RisaalaFM- Iyadoo Kenya ay ku adkeysaneyso in ay xireyso xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya oo ay ku jiraan Kumanaan Qaxooti oo Soomaalia ah ayaa qaar ka tirsan Qaxootiga ku nool xeryaha Dhadhaab waxa ay sheegayaan in go’aanka Kenya uu ku noqday mid saameyn Togan ku yeeshay Islamarkaana xilligan aysan diyaar u ahayn in ay dib ugu soo laabtaan dalka Soomaaliya.

Qaar ka tirsan Qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool xerada Kaambi-coos ee dalka Kenya ayaa dareenkooda ka hadlay waxaana ay sheegeen in arintan murugo ku abuurtay.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in xeryaha Dhadhaab ay Hoy uyihiin ururka Al-shabaab lagana soo abaabulo weeerarada Al-shabaab ay ka geystaan gudaha dalka Kenya, inkastoo Al-shabaab ay warkaasi beeniyeen oo ay sheegeen in weerarada aysan ka dhex abaabulin xeryaha Qaxootiga ah ee Dhadhaab.

Marar badan ayay Kenya sheegtey in ay xireyso xeryaha qaxootiga, kadib markii amniga Kenya xumaadey. Baaritaano la sameeyey ayaa lagu ogaadey in amni xumadu aysan Kenya uga imaan xeryaha qaxootiga.

Kumaankun oo Soomaali ah ayaa ku nool xerada Dhadhaab kuwaas oo deganaa tan iyo sanadkii 1991, waxaana shaqaale ka ah xeryahaas caruurtii ku dhashey.