DHAGEYSO: Qaraxyo lagu qabtay Kismaayo

Ciidamada Nabad Suggida maamulka Jubbaland ayaa howlgal ay ka sameeyeen Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland waxa ay kusoo qabteen Miinooyin.

Afhayeenka  Laamaha Amniga maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Maxamuud(Carab) ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka ay sidoo kale soo qabteen dadkii Miinooyinkaasi rabay in ay ku qarxiyaan Shacabka.

Sidoo kale waxaa uu xusay in howlgallada ay ka sameynaayaan degaanada maamulka Jubbaland in ay laba jibaari doonaan.

Ciidamada Ammaanka maamulka Jubbaland ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgallo ka waday degaanada maamulka Jubbaland.