Maamulka dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka Ammaanka ay gacanta ku dhigeen Qaraxyo la doonaayay in ay lagu xasuuqo Shacabka kunool Magaalada Jigjiga.
Qaraxyadda ayaa u badnaa Miinooyin, waxaana la doonaayay in lagu weeraro xarumo ku yaalla Magaalada Jigjiga, sidda ay sheegeen Saraakiisha Ciidanka booliska dowlad degaanka Soomaalida.
Madaxa Booliska dowlad degaanka Soomaalida Maxamed Xasan ayaa sheegay in Qaraxyaddaan ay soo abaabuleen Mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulkii Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ee Tallada si xoogga ah looga tuuray.
Waxaa uu sheegay in ay gacanta ku hayaan xubno lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen Qaraxyadda, islamarkaana dhawaan Maxkamad lasoo taagi doono.
Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiiya Mustafe Cumar ayaa dhawaan shaaciyay in xubno ka tirsanaa maamulkii hore ay qaraxyo kasoo abaabulayaan Maamulada, Somaliland, Jubbaland iyo Puntland.