DHAGEYSO: Puntland oo war cusub ka soo saartay Dagaalka Qandala

Qandala-RisaalaFM- Saraakiisha Ciidamada Maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegeen Dagaalkii ka dhacay Degmada Qandala ee Gobolka Bari in ay ku dileen rag ajaanib ah oo ka tirsan Maleeshiyada Daacish.

Taliye ku xigeenka Daraawiishta Ciidanka Puntland Cabdi Axmed Xaashi ayaa xaqiijiyay warkan.

Sarkaalkan ayaa waxa uu sheegay ragan ay dileen in ay wateen baasabroorada Dalalka Ethiopia iyo Suudaan, waxaana uu tilmaamay in ay jiraan rag kale oo halkaasi ay ku dileen.

Waxa uu sheegay in ay wadaan tirakoobka iyo uruurinta xubnaha Daacish ka tirsan ee lagu dilay Degmada Qandala.

Cabdi Axmed Xaash Taliye ku xigeenka Daraawiishta Ciidanka Puntland ayaa sidoo kale waxa u sheegay ragga lagu dilay Dagaalkan intooda badan in ay ka soo jeedaan Koonfurta Soomaaliya.