DHAGEYSO: Puntland oo soo bandhigtay qaar ka mid ah kuraasta Aqalka Hoose

Garowe-RisaalaFM- Guddiga Doorashooyinka Maamulka Puntland ayaa maanta waxa ay soo bandhigeen qaar ka mid ah kuraasta Aqalka Hoose iyo sida Beelaha qaar ee dega Deegaanada Puntland ay u heleen kuraastaasi.

Jadwalka Doorashooyinka Dadban ayaa waxaa ku qorneynd in 23-kii Bishan ay bilaabato soo xulista Ergooyinka soo dooranaya xildhibaanada Aqalka Hoose.

Gudiga Doorashooyinka Dadban ee Maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegeen in hada ay soo fududaatay qaar ka mid ah kuraasta xildhibaanada Aqalka Hoose

Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Dadban ee Maamulka Puntland Khaliif Aw-cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sharaxaya sida kuraastaasi ay u soo dharaan dheriyeen iyo hababka ay u heleen beelaha dega Deegaanada Puntland.