DHAGEYSO: Puntland oo qabatay Rag kufsaday Gabar yar

Burtinle-RislaalaFM- Maamulka Puntland oo ka mid ah Maamulada ka jira dalka ayaa sheegay in la soo qabtay Rag kufsaday Gabar yar oo 13 sano jir aheyd.

Wasiirka Amniga Maamulka Puntland Cabdi Cali Xirsi (Qarjab) oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Ciidanka ammaanka ay gacanta ku dhigeen Rag ku eedeysan in ay ka dambeeyeen kufsi loo geystay Gabar yar.

Waxa uu sheegay Gabadhan in maalmo ka hor lagu kufsaday Degmada Burtinle oo ka tirsan Puntland, hadana ay ku xiran yihiin raggii kufsaday saldhiga Degmadaasi, si cadaalada loo horgeeyo.

Wasiirka Haweenka Maamulka Puntland Anisa C/qaadir ayaa horey uga hadashay kufsiga loo geystay Gabadhan, waxayna ku baaqday in la cadaalada la horgeeyo dambiilayaasha.

Inta badan Degaanada Puntland waxaa  ka dhaca falalka nuucaan oo kale ah, ee kufsiga oo dad wax magarata ah ay kula dhaqaaqaan Hablo Soomaaliyeed.