DHAGEYSO: Puntland oo la dhaliishay dowladda

Maamulka Puntland ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ka gaabisay gurmad gaarsiinta dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku sugan degmada Buuhoodle.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi cumar Camey oo shalay gaaray degmada Buuhoodle ayaa sheegay in dadka kunool Buuhoodle ay kunool yihiin Xaalad adag oo dhanka nolasha ah.

Hay’addaha Gargaarka ayuu sidoo kale ku eedeeyay in ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadka kunool Buuhoodle.

Xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan Magaalada Buuhoodle gaarsiiyay diyaarad sida shixnad gargaar ah.

isbitaalka Magaalada Buuhoodle ayaa waxaa jiifa boqolaal qof oo uu soo ritay cudurka Shuban biyoodka.