Garowe-RisaalaFM- Wasiirka Amniga maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa faah faahin ka bixiyey weerar Shabaab ay ku qaadeen fariisin Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin Degaanka Af-urur oo ku yaalla Duleedka magaalada Boosaaso.
Waxa uu sheegay Wasiirka Ciidamada maamulka Puntland in ay iska difaaceen, wuxuuna sheegay in khasaaraha ugu badan uu soo gaaray Shacabka, kuwaasi oo deganaa gudaha degaanka Af-urur.
Wasiirka Amnigu wuxuu kaloo tilmaamay in Amniga uu yahay mid adag oo sugan, ayna saacad kasta ciidamadu u taagan yihiin sidii loo difaaci lahaa shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka kale Afhayeenka dhanka hawlgalada Ururka Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay 61 Askari inay dileen, halka sidoo kale uu tilmaamay inay qabsadeen 16 gaari oo 9 ka mid ah ay yihiin gaadiidka dagaalka ee ciidamada Puntland leeyihiin.
Puntland ayaa dagaal adag waxa ay kula jirtaa dagaalyahanada ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish oo Saldhigyo Millitari ku leh Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.


