Saraakiisha Ciidanka Ammaanka maamulka Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in ay dulaan ku yihiin goob shalay laga helay Meydadka Saddex qof oo lagu tuhmaayo in ay gowracday Kooxda Daacish.
Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta maamulka Puntland Saciid Maxamed Salaad ayaa sheegay in Ciidanka Ammaanka Puntland ay qaadayaan howlgallo looga jawaabayo dadkii Shalay lagu Gowracay degaanka Karin Qandala oo ku dhow Magaalada Qadiimiga ah ee Qandala.
Waxaa uu sheegay in Kooxda Daacish ay bilowday Gowraca dadka Shacabka ah iyo sidoo kale in ay jidka u galaan Gaadiidka dadweynaha , waxaana uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in ay difaacdo dadka Shacabka ah.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Kooxda Daacish ay ku sugan tahay Buuraleyda degmada Qandala.
Sikastaba hadalka kasoo baxay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa kusoo beegmaya Xilli shalay Magaalada Qandala meel u dhow Kooxda Daacish ay soo dhigtay dadka la gowracay oo ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynaayeen maamulka Puntland.


