DHAGEYSO: Puntland oo difaacday heshiiskii DP-world

Garowe-RisaalaFM- Maamulka Puntland oo ka mid ah Maamulada dalka jira ayaa difaacay heshiiskii shirkadda DP-world loogu wareejiyay Dekadda Magaalo xeebeedka Boosaaso.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka puntland Axmed Cali Xaashi oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu difaacay heshiiskii Puntland ay ku wareejisay Dekadda Magaalada Boosaaso shirkadda DP-world oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale Guddoomiye Axmed ayaa sheegay in ay ka faa’idi doonaan in dhismo balaaran lagu sameeyo Dekadda Magaalada Boosaaso.

Dhanka kale Axmed Cali Xaashi Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka puntland ayaa sheegay heshiiskan in uu yahay mid Taariikhi ah, shacabka ku dhaqan Puntland-na ay wax badan ka faa’idi doonaan.

Lixdii Bishan ayay aheyd markii Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) uu heshiis ku saabsan Dekadda Magaalada Boosaaso la galay shirkada DP-world.