Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar “Camey” oo warbaahinta kula hadlay Gaalkacyo ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ka shaqeyaan Xasiloonida gobolka Mudug.
Waxa uu sheegay in colaadaha ka dhaca gobolka Mudug inta badan ay salka ku hayaan Geel la kala dhacay.
Camey ayaa xusay in wixii Geel ah oo laga soo dhaco dhanka Galmudug in ay soo celin doonaan oo ay Galmudug gacanta ka saari doonaan sidaas oo kale Galmudug laga rabo in ay sameyso.
Inta badan Dagaallada ka dhaca gobolka Mudug ayuu xusay in ay sababaan Maleeshiyaad Xoolo kala dhaca.
Shalay ayaa Magaalada Gaalkacyo waxaa ka furmay Shirka Amniga iyo Xasiloonida Gobolka Mudug.


