DHAGEYSO: Nin dhalinyaro ah oo dilay adeerkiis oo meher xaday hooyadiis

Taliska Ciidanka Booliska gobolka Mudug ayaa faahfaahin ka bixiyay dil ka dhacay degaanka laanbaar oo ku dhaw Dagaari ee Gobolka Mudug.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska gobolka Mudug ee Galmudug Maxamuud Cilmi Gulaafe waxaa uu sheegay in ay waddaan baaritaano dilkaasi,islamarkaana ilaa iyo hadda aysan shaacin karin waxyaabaha keenay dilka.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka Booliska ay wali waddaan baaritaano ayna taageen goobta uu dilku ka dhacay.

Qaar ka mid ah dadka kunool gobolka Mudug ayaa warbaahinta u sheegay in dilka uu yimid kadib markii nin dhalinyaro ah uu dilay adeerkiis oo meher xaday hooyadiis.

Cabdi Dhoore oo ah ninka la dilay oo ay wada socdaan Marwadiisa ayaa u casuumaad tagay guriga wiilka adeerka uu u yahay, kadib markii ay casheeyeen ayaa waxaa dhacday wiilkii oo careysan inuu halkaasi ku dilay Adeerkii Masaafada la aaday Hooyadiis.