DHAGEYSO: Muxuu Madaxweyne Xaaf u yimid Muqdisho ?

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha cusub ee Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa maanta waxa uu soo gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay siyaasiyiin qeybaha kala duwan ee bulshada oo Haween iyo dhalinyaro ay qeyb ka ahaayeen.

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa warbaahinta kula hadlay qeybta soo dhaweynta ee Garoonka Aadan Cadde Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay qorshaha ugu qeyn ee uu u yimid Muqidsho in ay tahay kulamo uu la qaadanayo Madaxda dalka ugu sareysa, Hay’adaha kala duwan ee Dowladda iyo ka qeyb galka shirka London.

3-dii May ee Todobaadkan maalin ka hor ayaa Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) waxaa loo doortay Madaxweynaha Maamulka Galmudug, waxaana uu bedelay Madaxweynihii ka horeeyay C/kariin Xuseen Guuleed.