Muqdisho-RisaalaFM- Guddoomaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo shalay uu magacaabay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Farmaajo.
Waxa uu sheegay Duqa Muqdisho hadii ay yihiin Maamulka Gobolka Banaadir in ay la shaqeyn doonaan Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay aqoonta uu u leeyahay Khayre in ay tahay mid wanaagsan, sidoo kalena uu yahay nin ka shaqeeya arrimaha Bani’aannimada, hadana Soomaaliya ay u baahan tahay arrimahaasi oo kale.
Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku taliyay in lala shaqeeyo Ra’iisul Wasaaraha cusub, maadaama howsha la wada qabanayo ay qeyb ka tahay xasilinta Gobolka Banaadir.
Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay gacmo wadajir in ay wax ku gooyaan, hadii aanay wada shaqeyn jirin inaan waxba la qabsan karin oo la joogayo xaalada hada lagu jiro iyo waliba mid ka sii hooseysa.


