Dhageyso:-Muuse Biixi oo amray in la soo qabto maleeshiyo dishay Askar Boolis ah

Madaxwaynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu amar ku bixiyay in gacanta lagu soo dhigo maleeshiyo Beeleed deegaanka Ceel-Afwayn ee Gobalka Sanaag ku dishay askar katirsanaa Ciidamada soomaaliland.

Muuse Biixi ayaa waxa uu sheegay in nasiib daro ay tahay in fal nuucaas ah uu kadhaco Ceel-Afwayn,hayeeshee Xukuumadda Soomaliland ay gacan adag kusoo qabanayso Shaqsiyaadkii geystay weerarkaasi.

Deegaanka Ceel-Afwayn ayaa xili habeen ah waxaa lagu dilay Askar katirsan kuwa maamulkaasi Somaliland, waxana Madaxweyne Muuse Biixi  uu tacsi udiray ehelada askartii weerarkaasi ku geeriyooday,waxa uuna caafimaad u rajeeyay askartii kale ee dhaawacantay.