DHAGEYSO: Muqdisho oo Maalinkii Labaad Qaad la’aan ah

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho ayaa maalinkii Labaad ku waabariisatay Qaad la’aan kadib markii Dowladda Soomaaliya Todobaadkan ay si ku meel gaar ah u hakisay Qaadkii ka imaan jiray Dalka Kenya.

Shalay waxaa Duulimaadyadii Qaadka ee ka imaan jiray Dalka Kenya qaar ay ku soo degeen Deegaano ka tirsan Puntland iyo Soomaaliland, iyadoo maanta aysan jirin Diyaarado Qaad sida oo ka soo degay Deegaanada Maamuladaasi.

Warar ay heshay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Diyaarado Qaaad sida oo ka yimid Kenya ay maanta ka soo degeen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Laas-caanood, iyadoo Qaadkaasi Garoonka Diyaaradaha looga soo qaadayo Gawaari yar yar oo sidaasi u keenaya Deegaanada Puntland iyo Soomaaliland.

Magaalada Muqdisho ayaa shalay iyo maanta waxaa lagu arkayaa kooxo Rag iyo Dumar ah oo Ganacsada Qaadka, kuwaas oo koox koox u fadhiya ama u taagan suuqyada lagu iibiyo Qaadka, iyagoo iska waraysanaya xaaladda la soo gudbonaatay ee ah in Duulimaadyadii Qaadka ee imaan jiray Dalka si kumeel gaar ah loo hakiyay.

Soomaaliya ayaa ah suuqa ugu weyn ee Kenya ay u iib keento Qaadka ka soo baxa beeraheeda, waxaana maalin walba ka soo degi jiray Garoomada Diyaarasdaha ee Soomaaliya in ka badan 16 Diyaaradood oo sida Qaad.