Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka dhacday Munaasabad lagu xusayay dhalashada Nabigeena Muxamad (N.N.K.H) oo sanad walba la xuso Bisha Mowliid..
Munaasabada lagu xusayay Dhalashada Nabigeena Muxamad (N.N.K.H) ayaa waxaa ka qeyb galay Culumaa’udiin, Macalimiin, Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.
Dadkii ka qeyb galay Munaasabada lagu xusayay dhalashada Nabigeena Muxamad (N.N.K.H) ayaa waxa ay goobta ka qaadeen Dikri lagu weyneynayay Dhalashada Nabi Muxamad (NNKH).
Sheekh Doon Macalin oo ka mid ahaa Culumadii ka qeyb gashay Munaasabada ayaa waxa uu jeediyay Qudbad kooban oo uu kaga hadlayay qiimaha iyo ciziga uu leeyahay Xabiibkeena Muxamad (NNKH).
Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay kulankan ayaa dhankiisa jeediyay hadal kooban oo ku saabsan xuska dhalshada Nabi Muxamad (NNKH).


