Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa degaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa xalay Kormeer ku tagay Saldhigyo ciidan oo ku yaalla Magaalada Baydhabo.
Kormeerka ayaa waxaa ku wehlinaayay xubno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo Saraakiil ciidan.
Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed Nuraadiin ayaa Risaala u sheegay in Sheekha uu doonaayay in uu arko qaabka ay u shaqeeyaan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.
Roobow oo horay uga tirsanaan jiray Al-Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa degaanada maamulka Koonfur Galbeed.