Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda Maxamed Axmed Jimcaale oo maanta hortagay kullanka Golaha Shacabka ayaa xildhibaanada kaga warbixyay howlaha Jaamacadda Umadda waxa uuna sheegay in Miisaaniyada ay ku shaqeyso Jaamacada ay tahay mid hooseyso oo ay adagtahay in lagu shaqeeyo.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka shir guddoominaayay ayaa faray guddiga arrimaha bulshada iyo guddiga maaliyadda in ay ka shaqeeyaan sidii miisaaniyadda loogu kordhin lahaa Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha ayaa xusay in Golaha Shacabka uu diyaar u yahay taageerada Jaamacadda, kana shaqeyn doonaan helida waxyaabaha ay u baahan yihiin ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.
Hadalka Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa kusoo aadaya xili dhaqaalaha dalka uu wax xoogaa kobcay iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo bandhigtay miisaaaniyad ka badan midi sanadkii tagay.


