Hiiraan-RisaalaFM- Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Gobolka Hiiraan ayaa u digay Askarta ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maleeshiyaadka ee dhaca u geysta dadka Rayidka ah.
C/qaadir Maxamed xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay ruux kasta oo lagu helo dambiga in uu geystay fal dhac ah in Maxkamadda la horgeyn doono, si talaabo sharci ah looga qaado.
Waxa uu sheegay Xeer ilaaliye C/qaadir Maxamed in uusan jirin qof sharciga ka weyn, ruux kastana uu la kulmi doono ciqaab u dhiganta dhibaatada uu geystay.
Hadalkan ayuu Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ka sheegay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, xilli la maxkamadeynayay Saddex Qof oo mid ka mid ah uu yahay Askari, kuwaasi oo lagu eedeeyay dhaca rayidka.


