Maxkamadda Darajadda koowaad ee ciidamadda Qalabka sidda ee dowladda Soomaaliya ayaa Maanta Xukuno iskugu jira dil , Xabsi Ciidan iyo sii daysmo ku kala ridey 7 nin oo ku eedeysnaa iney ka danbeyeen Qaraxi sanadkii 2016-dii ka dhacay Suuqa Beerta ee degmada Waabari.
Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Ciidamadda Qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Xukunka Maxkamadda ku Dhawaaqey kadib markii bishaan Gudaheeda la dhageystay Eedaha loo soo jeediyay todobadaasi nin.
7-daan nin ayaa mid ka mid ah oo lagu magacaabo Cabduqaadir cali xasan xeer ilaalinta maxkamadu ku eedeysay asna Maxkamadda ka hor qirtay inuu ka tirsanyahay shabaab , waana Darawalkii Waday Gaarigii ku qarxay suuqa beerta, waxaana lagu xukumay dil Toogasho ah.
Sidoo kale Maxkamadda ayaa 2 nin oo ayagana lagu kala magacaabo Maxamed Cabdullahi Nageeye iyo CabdiNaasir Cumar Xasan oo ayagana lagu soo eedeyey iney ka tirsanyihiin shabaab Gaariga Hoomeyda ahaa ee qarxay in Midna keeney Xamar Midna ku hayey Geerash ku yaala Black-Sii waxeyna maxkamadu ku xukuntay min 15-sanno oo xabsi Ciidan ah.
halka Maxkamadu siideysay 4-kale oo danbi lagu waayey.



