Dhageyso:-Maxaa sababay xilligaan in Ciidamada kasoo baxaan furumaha dagaalka?

Maalmihii la soo dhaafay waxaa degaano ka tirsan gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose kasoo baxay Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya,kuwaas oo sababaha ku sheegay in mudo 4 Bilood ah aysan qaadan wax mushaaraad ah.

Deegaanadii ugu dambeeyey ay Ciidamada kasoo baxeen ayaa waxaa ka mid ah degmada Jowhar oo ah Xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe, degmada Mahadaay, Qalimow iyo deegaano kale, kuwaas oo soo gaaray degmada Balcad ee Gobolka Shabelleha Dhexe.

Hadaba waxa keenay cabashadaas xilligaan iyo halka ay wax ka qaldan yihiin waxaa sharaxaya Shariif Roobow oo ah Khabiir dhinaca amniga xilli uu la hadlay Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho.