DHAGEYSO: Mareykanka oo dhaqaale badan ugu Deeqay Soomaaliya

Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Mareykanka iyo waliba Dowladda Soomaaliya ayaa maanta kala saxiixday heshiis ku aadan dhinaca hormarinta waxbarashada Dalka.

Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan 64 Million oo lacagta Mareykanka taasi oo 17 Million oo ka mid ah lagu hormarin doono dhinaca waxbarashada Dalka.

Soomaaliya heshiiskan waxaa u saxiixay Wasiirka Waxbarshada iyo sidoo kale Wasiirka Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya, halka Mareykanka heshiiskaas uu u saxiixay safiirka cusub ee Dowladda Mareykanka ay u soo dirtay Soomaaliya iyo waliba Madaxa hormarinta Waxbarashada Mareykanka.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Maxamed Ibaarhim farkeeti oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in lacagtan lagu hormain doono Waxbarashada Dhalinyarada Soomaaliya.

safiirka cusub ee Dowladda Mareykanka ay u soo dirtay Soomaaliya ayaa dhankisa sheegay in marwalba ay diyaar u yihiin taageerada Waxbarashada Soomaaliya.