DHAGEYSO: Magacyada Xildhibaanada gobolada Waqooyi ee maanta la doortay

Waxaa Maanta Mar kale Magaalada Muqdisho ka bilowday doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ee ka imaanaya Beelaha gobolada Waqooyi.

Doorashada oo haatan ka socota Muqdisho ayaa waxaa Kursiga Koowaad ku guuleystay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya maxamed Cabdi Xayir Maareeye Waxa uuna helay Codad gaaraya 51 Cod halka Musharaxiin la tartamaayay uusan wax cod ah helin.

Sidoo  kale Kursiga labaad oo ay ku tartamaayeen Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Biyaha iyo Korontada C/Xakiin Cige Guuleed Iyo Feysal Cumar Guuleed oo labaduba ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee Waqtigooda uu dhamaaday.

Waxaana Guuleystay  Feysal Cumar Guuleed oo helay 29 cod.

Sidoo kale Kursiga Saddexaad ayaa Waxaa ku guuleystay Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee Waqtigooda uu dhamaaday Waxa uuna helay Codad gaaraya 45 Cod halka Musharax la tartamaayay oo ahaa Nin Fanaan ah oo lagu Magacaabo Farxaan Xidig uu helay 6 Cod.

Sidoo kale Kursiga Afaraad iyo Kursiga Shanaad oo ay ku tartamaayeen oo keliya Haween ayaa waxaa ku soo baxay Aamino Cumar Jaamac iyo Maryan Maxamuud Ciise.

Qaar ka mid ah Musharaxiintii guuleysatay ayaa ka hadlay dareenkooda iyo sida ay u arkaan doorashada ka dhacday Magaalada Muqdisho.