Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta kulan looga hadlayay amaanka la qaatay saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya kaasi oo ka dhacay xarunta taliska booliska Soomaaliyeed ee General Kaahiye.
Madaxweynaha ayaa daahfuray kulankaasi oo looga hadlayay sidii maamulka gobolka Banaadir loo wareejin lahaa amaanka guud ahaan ee caasimada Soomaaliya.
Waxaa kulanka ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan hayadaha amaanka dowlada, talisyada nabad sugida iyo booliska ee 17-ka degmo ee gobolka Banaadir iyo saraakiil dhanka amaanka ah.
Madaxweynaha ayaa hadal uu ka jeediyay goobta wuxuu ku bogaaday in waxii amni ah looga dambeeyo maamulka gobolka Banaadir, sida uu qabo dastuurkii 1960.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa la sugayaa xaqiijinta amaanka caasimada Soomaaliya.


