Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa amar ku bixiyay in gacanta lagu soo dhigo kooxaha Isbaaradda dhigta Wadooyinka xiriiriya degaanada Galmudug.
Waxaa uu sheegay in ciidamada Ammaanka laga doonaayo in ay kooxahaasi ka qaadaan tilaabo Cad maadaama ay qatar ku yihiin Ammaanka.
Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale xusay in Galmudug ay ku jeesatay wadadihii Horumarka, islamarkaana aysan aqbali doonin in Shacabka dhibaato loo geysto.
Kooxo Burcad ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ay Isbaarooyin dhigteen degaano hoos yimaada Magaalada Cadaado, halkaasi oo ay Shacabka ku dhibaateynaayeen.



