DHAGEYSO: Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo la kulmay wafdi ka socday J. Carabta

Kismaayo-RisaalaFM- Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Siyaad Aadan ayaa waxa uu kulan la qaatay wafdi ka socday Jaamacadda Carabta, kuwaasi oo mudooyinkii ugu dambeeyay booqasho ku joogay Magaalada Kismaayo.

Wafdigan ayaa intii ay halkaasi ku sugnaayeen waxa ay kormeereen Goobaha waxbarashada ee ku yaalla Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Kulanka oo qaatay saacado ayaa inta badan waxaa looga hadlayay sidii sare loogu qaadi lahaa tacliinta goobaha ay wax ka bartaan Ardayda Soomaaliyeed.

Markii uu soo idlaaday kulanka ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Siyaad Aadan iyo wafdiga ka socday Jaamacadda Carabta.

Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Siyaad Aadan ayaa sheegay had iyo jeer in ay u taagan yihiin kor u qaadista Aqoonta Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Degaanada Jubbaland.