Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan laqaatay Guddigii qabanqaabada Madasha Tiknaloojiyadda ee Muqdisho, martidii ka qeyb gashay iyo maalgeliyeyaasha ka qeyb qaatay qabsoomidda Shirweynahan ayaa waxa uu ugu baaqay in ay ka qayb qaataan xaalad dagaal oo uu sheegay in uu dalka kujiro.
Waxa uu sheegay madaxwaynaha in ay muhiim tahay in ay kaqayb qaataan dagaalka ay dowladda kula jirto A-Sshabaab si looga adkaado, waxa uuna tibaaxay in ay jiraan dad aan rabin horumarka dalka.
Waxa uu ku amaanay ganacsatada sida ay uga qayb qaadanayaan hormarka kala duwan ee kasocda dalka Sopomaaliya,isaga oo sheegay in ay muhiim tahay in taasi lagu daro dowlad wanaag.
Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horay marar badan ugu dhawaaqay in dalka uu kujiro xaalad dagaal walina mamuuqato dagaal cad oo ay dowladda ku qaaday Al-Shabaab.



