Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Xarunta Wasaaradda Difaaca kulamo kula qaatay taliyeyaasha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Farmaajo oo khudbad dheer u jeediyay Saraakiisha Ciidamada waxaa uu ka hadlay qodobo badan.
Waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda aysan sameyn ku yeelan doonin Hakintii dhaqaalihii Ciidamada ay siin jirtay dowladda Mareykanka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ruux walbe oo ka tirsan ciidamada uu heli doono xuquuqdii uu lahaa, islamarkaana ay muhiim tahay isku tashi.
Inta badan Saraakiisha Ciidamada ayaa ku sugnaa xarunta Wasaaradda.



