DHAGEYSO: Madaxweyne Farmaajo oo booqan doona Suuqa Bakaaraha

Taliyaha Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Jeneraal C/llaahi Gaafoow Maxamuud ayaa sheegay in Isaga iyo Saraakiil oo ka tirsan Dowladda uu Madaxweynaha ku amray in ay tagaan goobta uu dabka ka kacay.

Waxa uu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu ka xun yahay dhibka gaaray ganacsatada Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha uu booqan doono goobta uu dabka ka kacay isla markaana uu shacabka iyo ganacsatada la qeybsanayo dhibka gaaray.

Taliye Gaafoow ayaa sheegay in dowladda ay ganacsatadaasi la qeybsaneyso murugada, waxna loo qaban doono.