Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay soo xiray shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed yihiin dhamaantood kuwa isku wada baahan lagana doonayo inay isku tanaasulaan.
Waxaa uu sheegay in qorshaha hadda socda ee dhismaha Galmudug loo dhan yahay ay ku timid tanaasul ay sameeyeen hoggaanka Ahlusunna oo uu ugu horeeyo Maxamed Shaakir Cali Xasan muhiimna ay tahay in Siyaasiyiinta iyo Shacabka Galmudug inay tanaasul muujiyaan.
“Runtii tanaasulka waa shey muhiim ah,magaalo qolo kaliya kuma noolaan karto waana leysku baahan yahay,Dhuusamareb Guriceel kama maaranto,Cabduwaaq Cadaado kama maaranto,waxaana idin sheegayaa in qofka markuu arko in xaaladu ay cakiran tahay uu tanaasulo ay tahay geesinimo ayuu yiri”Madaxweyne Farmaajo.
Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa imaanaya xilli deegaannada Galmudug gaar ahaan Magalada Dhuusamareeb ay dowladda Federaalka ka wado qorsho lagu dhisayo Galmudug mideysan oo loo dhan yahay.



