Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Maanta gaaray deegaanka Weeciye ee Gobolka Karkaar ayaa ka hadlay amnidarrada ka jirta deegaano ka tirsan Maamulkaas iyo sababaha keenay.
Waxa uu sheegay in waxyaabaha dilalka iyo abaarta ka jirta deegaanada Puntland keenay ay tahay gaabis ay sameeysay Xukuumadda uu madaxda ka yahay iyo wadashaqeyn la’aan ka heysata dhinaca Shacabka.
Sigaar ah Shacabka ku nool Magaalda Boosaaso ayuu u diray farriin ah in aan la aqbali karin dilalka sida joogtada ah uga dhaca magaaladaas,waxaana uu sheegay in sidoo kale ay sabab u tahay in Shacbaku aysan ku kalsooneyn Xukuumadooda.
Dhageyso Codka Madaxweynaha Puntland.



